Gobolka Bakool shan Tuulo kamid ah oo la sheegey in Ciidamada Dawladu la wareegeen.

0
572

Saraakiisha ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay la waregeen deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool.

Saraakiisha ma aysan sheegin magacyada degaannada ay la waregeen balse waxaa ay warbaahinta u xaqiijiyeen in ay dileen dagaalyahanno ka tirsan Al shabaab kuwaas oo ku sugnaa deegaannada ay la waregeen.

Biire Gaaciye Xusseen, oo ka tirsan Saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgallada maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen gobolka Bakool.

Dhinaca kale waxaa uu tilmaamay inay fureen wadooyinka isku xira gobollada Bakool iyo Baladweyne kuwaas oo u xirnaa Al shabaab.

“Maalmihii lasoo dhaafay waxaan Al Shabaab kala wareegnay ilaa shan tuulo,  waxaan furnay waddooyin ay Al Shabaab xireen, deegaan 25KM bari kaga toosan gobolka Bakool ayaan howlgallada ka wadnay halkaas oo Al Shabaab ay abaabul ka wadeen”, ayuu yiri.

Ma jiraan war kasoo baxay Al- shabaab oo ku aadan deegaannada lagala wareegay.

Ciidamada maamulka Koonfur galbeed iyo kuwa dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dagaallo xooggan kula jira Al Shabaab-ka ka dagaallamaya gobolka Bakool oo ka tirsan dhulka uu ka arimo maamul gobolleedka Koonfur galbeed.

warsom2011@gmail.com