Booliska Kenya Oo Magaalada Nairobi Ka Soo Qabtay Nin Hub Farabadan Ay Gurigiisa Yaaleen

0
462

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Sarkaal u hadlay laamaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa shaaciyey in ay xaafad ku taal magaalada Nairobi ay kasoo qabteen nin haystey qori nooca soomaalida ay u taqaano AK-47 iyo dhowr iyo toban xabo oo Bumbooyinka gacanta laga tuuro ah ayay saxaafada Dalka Kenya u Soo Bandhigeen.

Mathew Iteere oo ah Taliyaha ciidamada Booliska dalka Kenya oo wax yar kadib markii ninkaas gacanta lagu soo dhigay Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ninka lasoo qabtay uu haysto Kebandhaha Ama Teesaraha Nooca Dhalashada ah ee dalka Kenya islamarkaana Goortii la qabanayay La soo baxay si Uu Kaga Badbaado Ciidamadaasi.

Sidoo Kale  Wuxuuna intaas ku daray in la xiray ninka iskale guriga uu ninkaasi degenaa ninkaasina la sheegay in uu kaligii degnaa Guriga oo dhan  iyadoona uu sheegay Mathew Iteere in nikaasi haatan ay Baaritaano ku hayaan islamarkaana ay Goordhow soo bandhigi doonaan Cida uu La Shaqeynayay Iyo Waxa uu Ka Qabanjiray Dalka Kenya

Qabashada Ninkaani Hubeysan ay qabteen Ciidamada Dalka Kenya ayaa kusoo beegmeysa xili ay laba qarax oo ay dad badani ku dhaawacmeen , hal qofina uu ku dhintay ka dheceen 48 Saac Gudaheed magaalada Nairobi.

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)