Xisbiga MJS Oo Soo Dhaweeyey Hadalkii Madaxweyne Shariif Oo Ahaa In Dowlada Kenya Ay Xad Gudub U Geesatay Dalka Soomaaliya

0
455

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Kusimaha Madaxweyne Darmaan Ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed( Mudane Cali Max’ed Nuux Timajilic) Ayaa manta sheegay In Ay Xisbigiisa Soo Dhaweeynayaan Hadalka Maalinkii shalay Ahaa ka soo Yeeray Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Mudane Shariif Sh.Axmed

Cali Timajilic Ayaa Sidoo Kale Sheegay In Ay Dowlada Kenya Xad Gudub Aan loo Meel Dayin ku Hayso Dalka Sooaaliya Islamarkaana Iyadoo Aanan Ku Soo wargalinin Dowlada Soomaaliya Iska Soo Gashay Dalka Kana Bilowday Dagaalo

Ku Simaha Gudoomiyaha Xisbiga MJS ayaa waxaa Uu Cadeyey In ay Kenya Ku Xad Gudubtay Madaxda Qaranka Iyo Waliba Shacabka Soomaaliyeed Islamarkaana  Ugu Baaqay In Ay Si Deg Deg Ah Isaga Baxdo Ciida Soomaaliya Oo Ay Si Sharci Daro Ah Ku Soo Gashay Iyadoo Aanan wax amar Ah ka Qabin Madaxda Qaranka Soomaaliya

Sidoo Kale Cali Timajilic Ayaa Baaq U Jeediya Dhamaan Madaxda Dowlada TFG-da In Ay Taageeraan Go’aankii Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Ka Soo Baxay Islamarkaana aynan Ka Laabanin Go”aankaasi .

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)