Dilal Qorshaysan Oo Markale Ka Dhacay Muqdisho Xilli Caasimadda Ay Ka Socdaan Howlgallo Amni.

0
592

Wararka ka imaanaya degmooyin katirsan gobolka Banaadir ayaa sheegaya in dilal qorshaysan saacadihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen xilli ammaanku faraha kasii baxayo.

Rag Bastoolada ku hubeysan ayaa gudaha degmada Howlwadaag ku dilay mid kamida odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay shirarkii lagusoo xulayay xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka.Goob Joogayaal ayaa sheegay in ladilay Maxamuud Barroow oo magaalada Baydhabo uga qeyb galay soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka ee ka yimid dhanka maamulka ‘Koonfur galbeed.

Dhinaca kale xoogag hubeysan ayaa xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku dilay askari katirsanaa ciidamada booliska dowladda Federaalka, goob joogayaal waxay sheegeen in raggii dilka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga baxsadeen.