Dhageyso:- Abuu Muscab” 61-Askari Ayaan Dilnay,16-Gaarina Waan Qaniimeysanay.

0
644

Kadib dagaal culus oo saaka aroortii ka bilaawday duleeka magaalada Boosaaso ayay ciidamada Xarakada Al Shabaab ugu suurtagashay in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaan istiraatiiji ah iyo saldhig melleteri.

Wararka ka imaanaya gobolka Bari waxay sheegayaan in ciidamo aad u hubeysan oo Katirsan al-shabaab ay saaka aroortii weerar xoog kugal ah ku qaadeen saldhig ciidan oo ciidanka maamulka ‘Puntland’ ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee duleedka Boosaaso.

Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab ayaa idaacadda Andalus u sheegay in dagaalka ay ku dileen 61 Askari islamarkaana ay ku qabsadeen 16 gaari oo 9 kamid ah yihiin gaadiidka dagaalka ee Tikinikada loo yaqaan.

Warar lagu kalsoonyahay waxay xaqiijinayaan in dagaalkii saaka lagu dilay Jeneraal Sangal Taliyihii guutada ciidanka Af-urur iyo Taliye Cabdi Biriq oo kamid ahaa saraakiisha ugu sarraysa ciidanka Daraawiishta Puntland.

Waa Weerarkii ugu xooganaa uguna khasaaraha badnaa ee Abid ciidamada Maamulka ‘Puntland’  mar qura uu kala kulmo Xarakada Shabaab marka loo eego weeraradii horay uga dhici jiray gobollada Bari iyo Mudug oo uu awood ku leeyahay Maamulka Cabdi Wali Gaas.