Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa si rasmi ah xariga uga jaray Khad Tareen casri ah oo uu ku baxay kharash ka badan Saddex Milyan oo doolar.
Lacagta ku baxday Tareenka cusub ayaa la sheegay in inteeda badan laga soo amaahday dalka Chine, waxaana mustaqbalka la rajeynayaa in Tareenkani uu isku xiro waddamada Bariga Afrika.
Safarkiisii koowaad ayuu Tareenka ka soo anbabaxay magaalada Mombassa waxaana rakaabka la socday ka mid ahaa madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ku soo jeeda magaalada Nairobi.
Wejiga labaad ee dhismaha khadkan tareen ayaa la bilaabi doonaa dhowaan, kaasoo dherersan magaalada Nairobi illaa dalka Ugandha, iyadoo ujeedadu tahay in lagu xoojiyo ganacsiga labada dhinac.
Mashruucan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee ay sameyso dowlada Madaxweyne Kenyatta, wuxuuna ku soo aadaya xili dhowaan dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti ay sameysteen khad tareen casri ah oo isku xiraya magaalooyinka Jabuuti iyo Addis ababa.













