Maamulka Galmudug oo sheegey in ay Maxkamad soo taagi doonaan Burcadbadeed dhawaan laga soo furtey Badmareeno.

0
549

Taliyaha Ciidamada Ilaalada xeebaha maamulka Galmudug Maxamed Yuusuf Xaashi, ayaa sheegay in koox burcad-baddeed ah oo ciidamadooda gacanta ugu jira in ay maxkamadeeyn doonaan dhawaan.

Ciidamada Galmudug ayaa gacanta ku haya sida ay sheegeen 4 ka tirsan koox Burcad-Baddeed ah oo horey u Afduubtay Doon u rarneyd Ganacsato Soomaaliyeed oo ku sugan magaalladda Kismaayo.

Burcad-Baddeeda ayaa hadda waxaa ay ku xiranyihiin xabsi ku yaalla Degmada Hibyo.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa sheegay in Burcad-Baddeeda loo sii gudbin doono Maxkamadda Gobolka, si halkaasi loogu maxkamadeeyo.

Duqa magaalladda Hobyo ee gobolka Mudug ayaa shalay oo Arbaco aheyd sheegay in ay soo furteen 8 Hindi ah oo la socday Doon ay afduubteen kooxaha burcad-baddeeda Soomaalidda.

Doonta iyo shaqaalihii saarnaa ayaa lagu heystay dhinaca berriga degmadda Hobyo.

Maamulka degmadda ayaa sheegay in ay xireen afar ka tirsan burcad-baddeedii  haysatay raggaasi.

Waxaa la xaqiijiyay inaysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka, islamarkaana muwaadiniintii u dhalatay hindiya ay badqabaan dhamaantood.

Doontan ayaa waxa ay burcad-baddeeda ka afduubteen xeebaha Soomaaliya kowdii bishan April.

warsom2011@gmail.com