Dowladda Imaaraadka ayaa si buuxda ula wareegtay dekadaha iyo garoomaha diyaaradaha ee Berbera iyo Boosaaso, waxaana sidoo kale la filayaa iney la wareegto qeybo muhiim ah oo katirsan magaaladda Muqdisho.
Lacag aad utira badan ayay Shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay dalka Imaaradka Carabta ay siineysaa maamulada xakuma magaalooyinkaas yo dowladda dhexe si ay uga dhabeeyaan mashruucooda Soomaaliya.
Kadib heshiiskii uu saxiixay Xasan Sh ee Imaaraadka uu kula wareegay dekadda Berbera, kadib waxaa laga shaqeeyay in loo gacan geliyo dekadda iyo garoonka diyaaradaha Boosaas.
Shirkadaas ayaana dhisida dekadda Boosaaso gelin doonta lacag dhan $ 336 million dollar sida laga soo xigtay masuuliyiinta maamulka Puntland.
Madaxweynaha haatan xilka haya ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku sugan dalka Imaaraadka isagoo diyaar u ah inuu qaato heshiiska Imaaraadka loogu wareejiyo ilaha dhaqaalaha Soomaaliya.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wada xaajoodka Farmaajo iyo Imaaraadka ay ka qeyb qaadanayaan maamulada Somaliland iyo Puntland kuwaas oo heshiisyadaas horey ula galay Imaaraadka.
Laakiin Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa xaqiijinaysa in Safiya Cabdiqafaar Xaaji Xuseen (Bassey) ay tahay maskaxda ka dambeysa in Imaaraadka uu la wareego ilaha dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan heshiiskii Boosaaso.
Safiya Cabdiqafaar waxaa ay deggan-tahay magaalada Dubai waxaana ay ka soo jeeda beelaha Puntland, waxaana lagu xasuustaa iney si weyn ugu dhow dahay dowlada Imaaraadka.
Waxaa ay Haweeneydan ka mid tahay Shirkadda DP Word lee dalkaas Imaaraadka laga leeyahay taas oo la wareegeysa ilaha dhaqaalaha ee Soomaaliya.
Sultan Axmed Bin Suleyman oo ah madaxa shirkadda DP World wuxuu ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasabad ka dhacday hotelka Jumeirah Emarates Tower oo lugu soo dhaweyay heshiiska shirkadda iyo Puntland in heshiiska uusan mari-dhal noqdeen,haddii uu banaanan lahaa doorka ay ka qaadatay ,Safiya Cabdiqafaar.

“Mashruucan sida u weyn inan ka fulino Puntland wuxuu ku yimid dadaal badan,waxaan oran kara Safiya Cabdiqafaar la’aanteed inaysan waxba dhammaaden,waxay muujisay dadaal dheer,iyadoo marka soo bandhigtay muhiimada dekedda leedahay iyo sida loogu baahanyahay in dib loo dhiso”. ayuu yiri Sultan Axmed Bin Suleyman madaxa shirkadda DP World .
Dhanka kale, gabadhan ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku qasabtay inuu tago Imaaraadka isla markaana uu qaato heshiiskaas.
Markii uu Farmaajo tagay Imaaraadka ayay gabadhan kulan gooni ah la qaadatay sida ay shegayaan ilo wareedyo madax banaan oo aan ka helnay Dubai
warsom2011@gmail.com








