Saldhig Ciidamada Amisom ay leeyihiin oo Madaafiic lagu weerarey.

0
533

Dadka deegaanka ayaa Hiiraan Online u sheegay in tiro madaafiic ah lagu garaacay Saldhig ciidamadda AMISOM ay ku leeyihiin  Deeganka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale duqeynta kadib, waxaa la maqlay rasaas xoogan oo loo maleynayo in ay aheyd dagaal toos ah.

“Waxaan maqalnay qaraxyo xoogan kadibna, rasaas socotay daqiiqado”, mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay.

Lama shaacin khasaaraha ka dhashay madaafiicda iyo dagaalka.

Dhinaca kale, ma jiraan war kasoo baxay xarakadda Al Shabaab ee ku aadan weerarka.

warsom2011@gmail.com