Labo wiilloo lagu diley Nairobi oo Taliyaha Booliska Kenya amrey in la Baaro.

0
529

Taliyaha Boliska Kenya, Joseph Boinnet, ayaa sheegay in la baaro Muuqaal Video ah oo laga duubay fal ay Boliska dharka cad ee loo yaqaano Flying Squad-ka, ku dileen laba wiil oo mid ka mid ah uu ahaa Soomaali.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafadda Eastleigh ee magaalladda Nairobi.

“Waxaa waajib ah in la baaro dilka muuqaalka laga duubay”, sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Boliska, Charles Owino.

https://youtu.be/mjEPS25Iqqo

Muuqaalka waxaa laga daawaday, ninka police-ka oo qabanaya eedeysanaha, kadibna waxaa la maqlay shan xabadood.

Dad badan ayaa aad uga naxay markii ay daawadeen muuqaalka, waxaana hey’addaha xuquuqda Insaanka ay codsadeen in labaaro arrinta.

warsom2011@gmail.com