Rasaas Maanta laga dhexmaqley Barlamaanka dalka Ingiriiska.

0
596

Wararka naga soo gaaraya magaalada London ayaa sheegaya in askari lagu tooriyeeyay dhismaha baarlamaanka ee magaalada London.

Qofka weerarkaasi geystay ayaa la sheegay in markii danbe ay toogteen ciidammada booliiska/

Wararka qaarna waxay sheegayaan in gaari si ula kac ah loo jiirsiiyay ugu yaraan afar ruux oo marayay buundada Westminster.

Gawaarida gurmadka degdegga ah ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sidoo kale la hakiyay baarlamaankanana ayaa la hakiyay.

Waxaa jira warar sheegaya in rasaas laga maqlay dibedda baarlamaanka UK. Wararka ayaa sheegaya in dhismaha baarlamaanka ee Westminster gebi ahanatiisba la xiray.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad dhaawcmay oo gargaar deg deg ah lagu siinayo goobta.

warsom2011@gmail.com