Baardheere oo lagu diley mid kamid ah Hawlwadeenada Somtel.

0
561

Kooxo hubeeysan oo aan la aqoonsan ayaa xalay fiidkii abaare 7:30 xilliga geeska Afrika, nin dhalinyaro ah, kana mid ahaa shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta Somtel ku dilay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Goobjoogeyaal ku sugan Baardheere ayaa WARSOM u sheegay in ninka la dilay uu u shaqeyn jiray shirkadda Somtel, islamarkaana u qaabilsanaa qeybta bixinta Simcard-yada ku-hadalka.

“Laba nin oo baastoolado ku hubeeysan ayaa toogtay, markii la dilayay wuxuu kusii socday gurigiisa,” sidaa waxaa yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo codsaday inaynaan magaciisa xigan.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Xuseen Ilyaas (Timacade) ayaa ahaa shaqaale xarun isgaarsiineed, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka danbeeysay dilkiisa.

Maamulka Baardheere weli kama hadlin arintan, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkaasi.

warsom2011@gmail.com