Ciidamo ka wada tirsan dawlada F.S oo is rasaaseyn ku dhex martey magaalada Muqdisho.

0
533

Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa maanta is-rasaaseen ku dhex-martay xaafadda Tarbuunka ee degmadda Hodan ee magaaladda Muqdishu.

Is-rasaaseenta ayaa bilaabatay, kadib markii ay is-qoonsadeen ciidamadda dowladda.

Saddex ruux, ayaa la sheegay in dhaawac uu kasoo gaaray iska-hor-imaadka.

Maamulka degmadda ayaa sheegay in ciidanka ay kala tageen, xaaladana caadi ayeey kusoo noqotay.

Maalmihii dambe, kala shakiga ciidamadda dowladda ayaa kusoo badanayay magaaladda.

Dowladda Soomaaliya, ayaa wada qorshe cusub , oo ay ku dooneyso in ciidanka Militray-ga dowladda looga saarayo magaaladda Muqdishu, si ciidamadda Police-ka iyo Nabadsugida ay ula wareegaan ammaanka magaaladda Muqdishu.

warsom2011@gmail.com