Wararka ka imanaya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday gaaari xamuul ah goor dhaw uu ka dhacay xaafadda Kaawo Goday.
Warar hor dhac ah oo ka soo baxaya qaraxa ayaa sheegaya in gaari kuwa xamuulka ah oo laga soo buuxiyay walxaha qaraxa uu sababay dhimashada dad gaaraya 10 ruux.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay in ay aheyd meel dad badan ay joogeen uuna ku yaalay suuq, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaare aad u badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dhaawa ayaa sidoo kale lagu waramayaa in uu ka baday yahay 20 ruux, waxaana jira wali warar isa soo taraya oo ka soo baxaya qaraxa.
Dadka ku dhintey Qaraxa ayaa lagu sheegey in ay kor u dhaafayaan Afartan qof iyadoo uu intaas kasii badan karo,waxaana sidoo kale lagu soo waramayaa in dad gaaraya ilaa sadex qof lagu kala diley goobo kala duwan taas oo aad moodo in amnixumo beryahan ay kusoo korortey magaalada Muqdisho.



