Wali waxaa ka sii soconaya magaalada Muqdisho iyo guud ahaanba gobollada dalka ee dalka Soomaaliya dibadbaxyo iyo dabaaldegyo ay dhigayaan shacabka Soomaaliyeed oo siweyn u soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Max’ed Aadan ayaa sheegay in si loo ilaaliyo xasiloonida iyo nabada looga baahan yahay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay joojiyaan dibadbaxyada iyo dabaaldegyada dibna ugu laabtaan guryahooda, isaga oo sheegay in fariintaa uu ka helay madaxweynaha cusub.
‘’Fariinta aan ka helay madaxweynaha waxaa ay tahay in uu idiin mahad celinayo, waxaana uu idin farayaa in aan dib howlihiinii ugu laabataan si looga wada shaqeeyo amniga iyo xasiloonida’’ ayuu yiri taliyaha.
Labadii cisho ee la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka soconayay dibadbaxyo aan kala joogsi laheyn oo ay dhigayaan shacabka iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaa oo siweyn u soo dhaweeyay in madaxweynaha Soomaaliya uu noqday Max’ed Cabdullaahi Farmaajo oo Arbacdii la soo dhaafay la doortay.
warsom2011@gmail.com









