Musharaxiinta ka qayb-galaya doorashada Somalia ayaa gabi –ahaanba diiday in ay ka qayb-qaataan dood dhex-maraysay musharaxiinta oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ka dib markii ay ka war-heleen in dood-dooda kaliya laga sii dayn doono TV-ga Qaranka Somalia.
Inta badan musharaxiinta ayaa door-bidayay in ay soo hor-istaagaan dad-weynaha ,isla markaana ay la wadaagaan khibrad-dooda bulshada Somaliyeed ,waxaana arintan baajiyay sida la sheegay Internet-ka oo ka maqnaa qaybo kamid ah Koonfurta Somalia.
Gud-diga doorashada iyo Musharaxiinta ayaa horey isula meel dhigay in dood-da si toos ah looga qaadan karo Tv-ga Qaranka ,iyada oo ay sii baahinayaan Tv-yada kale, taasi oo la sheegay in ay suurtagal ka dhigayso in dood-da aan wax ka badal lagu samayn karin.
Qaar kamid ah musharaxiinta ayaa sheegay in dowlad-da oo og in uu Internetka maqan-yahay la bilaabay dood-da ,taasi oo ay ku sheegeen in ay abuuri karto kalsooni darro la xiriirta habka loo maamulayo doorashada.
Mid kamid ah Musharaxiinta oo la hadley warbaahinta ayaa sheegey in aaney guddiga Doorashadu kansali karin doodda uu barlamaanku isku raacey tanina ay u muuqato mid lagu deg degey oo guddoomiyaha guddiga Doorashadu uu kaligiis iska yiri,waxeyna u muuqataa xeelad mid ka darani tan nagu soo fool leedahey,ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo ka hadley mawqifka Musharaxiinta.
Ugu danbayn, guddiga doorashada oo horey dood-da musharaxiinta ugu asteeyay 31 bishan ayaan wali ka hadlin dib u dhacan ku yimid dood-da ,waxaana qaar kamid ah siyaasiyiinta ku sugan Muqdisho ay saadaaliyeen in ay suurtagal tahay in maalin kale lagu daro jadwalka doorashada.
warsom2011@gmail.com









