Xisbiyada Siyaasadda Dalka iyo Gudiga Doorashooyinka madaxabanaan oo Muqdisho kulan ku yeeshey.

0
559

Kulankan ay la qaateen xubnaha Guddiga madaxa banana ee Doorashooyinka qaranka Xisbiyada  siyaasadeed ee dalka kajira oo ujeedkiisu ahaa wadatashi ku saabsan sida dib u eegis loogu sameyn karo qodobo kuj-ira sharciga axsaabta dalka ee horay baaralamanka ay u ansixyeen ayaa sidookale waxaa kasoo qeybgalay Xildhibanao katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Dadkii ka soo qayb galay ayaa si wayn uga dooday qodobada qaar ee u baahan in wax laga badalo waxaana halkaasi  lagu magaacabay Guddi farsamo oo ka kooban Ururada siyaasadda iyo Guddiga doorashooyinka.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bananan ee Doorashooyinka qaranka Xaliimo ismaaciil Ibraahim { Xaliimo Yarey}   ayaa ugu horeyn ka warbixsay arrimaha ugu muhiimsan iyo qodobada sida gaarka ah ay uga doodeen labada dhinac, waxayna tilmaantay inay jiraan qodobo iska hor imaanaya  oo quseeya arrimaha axsaabta oo ku qoran Dastuurka.

Xildhibaan Axmed Macaliin Fiqi iyo Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo katirsan Golaha shacabka ayaa dhankooda sheegay in ka qeyb q aadanayaan in Baaralamanku dib u eegis ku smaeeya qodobada qaar ee kujira sharciga axsabata oo la sheegay inay yihiin kuwa iska hor imaanaya.

Gudoomiyaha Ururka Midnimada iyo Dimuquraadiyada dalka Salaad cali Jeele iyo Cabduqaadir Maxamed cismaan (Barnamaij) oo ah Gudoomiyaha urur siyaasadeedka kulan oo labudba kamdi ah dadkii kulanka ka qeybgalay ayaa sheegay inay si dhow ula shaqeyn doonaan Guddiga madaxa banana ee Doorashooyinka qaranka   oo shaqadoodu tahay in dalka doorasho qof iyo cod ah ay gaarsiiyaan sanadka 2020.

Ugu dambayn kulanka ayaa ku soo idlaay Jawi Heer sara ah waxaana xusid Mudan in kulanka uu ka dhacay Xarunta Gudiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

WARSOM2011@GMAIL.COM