Dhawaan ayeey Al-shabaab soo bandhigeen muuqaalka asarki ka tirsanaa ciidamada Uganda oo mudo dheer u afduubnaa oo toogasho lagu dilayo kadib markii ay ku qafaasheen weerar ay ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM ay ku lahaayeen gobolka Sh/hoose.
Afhayeenka Ciidamada Uganda Paddy Ankunda ayaa u sheegay wareyska Daily Monitor in ay askariga aqoonsadeen oo lagu magacaabo Masassa islamarkaana ay ku waayeen dagaalkii ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolka Sh/hoose.
”Askarigan sanad ka hor ayaan ku weynay iska horimaadka ka dhacay deegaanka Janaale gobolka Sh/hoose, dowlad Uganda jawaab adag ayeey ka bixin doontaa dilkiisa”ayuu Paddy Ankunda.
Afhayeenka ciidamada Uganda Paddy Ankunda ayaa sheegay in ay qaadi doonaan talaabo loogu aargudayo askarigooda,waxaana uu xusay in Al-shabaab ay tusi doonaan awooda ciidamadooda Uganda ay leeyihiin.
Ugu danbeyntii, Al-shabaab ayaa la sheegaa in ay gacanta ku hayaan ciidamo kale oo ka tirsan howlgalka AMISOM, kuwaa oo ay ku qabteen qeybo ka mid ah koofurta Soomaaliya.
warsom2011@gmail.com









