Toddobadda xubnood ee Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa kulan ka yeeshay sidii ay u qiimeyn lahaayeen wakhtiga ku haboon ee doorashaddu dhici karto.
Guddidan kulanka gaar ah kaligood ku yeeshay xaruntoodda ayaa doonaya ka hor inta aanay xisbiyadda ay khuseyso iyo golaha Guurtidda kala kulmin mudadda ku haboon ay iyagu todobadoodda xubnood isla eegaan wakhtiga ku munaasib ah ee doorashaddu dhici karto, taas oo ay doonayaan inay hadhow usoo gudbiyaan saddexda xisbi, maadaama oo guddida doorashooyinku sharciyan iyagu awood u leeyihiin inay jadwalka doorashdda soo saaraan, isla markaana u gudbiyaan madaxweynaha.
Wararka aanu ka helayno kulankan ay todobadda xubnood ku qiimaynayaan xaaladda iyo wakhtiga ku haboon doorashadda ayaa marka ay soo gabo gabeeyaan la wadaagi doonaa cidda ay khuseyso doorashadda.
Maalintii khamiistii kulan uu iskugu yeedhay madaxweyne Axmed Siilaanyo saddexda xisbi iyo guddida doorashooyinka ayuu madaxweynuhu sheegay inuu la qaatay is afgaradka xisbiyaddu ka gaadheen in doorashaddu dhici Karin wakhtigii loo qoondeeyey ee March 28,2017, waxaanu madaxweynuhu dib ugu celiyey guddida doorashooyinka iyo saddaxda xisbi inay isla soo eekaan wakhtiga ku munaasibka ah ay isleeyihiin waa la qaban karaa doorasahdda.
Guddida doorashooyinka oo iyagu hore saddexda xisbi usoo bandhigay in goobihii dadka laga diiwaangaliyey aanay joogin 57% dadweynihii laga diwaangaliyey, sidaas darteed ay xisbiyadda u taallo inay sidaas doorasho ku gali karaan iyo in kale, taasina waxay keentay in xisbiyadda mucaaradku markiiiba dalbadaan muddo kordhin, halka xisbiyada taladda haya ee kULMIYE usoo jeediyey in sharciyan wakhtiga doorashadda awood u leeyihiin ka hadalkeedda guddida doorashooyinku, balse uu la qaatay muddo kordhintaasi. Inkastoo guddida doorashooyinku ay awood u leeyihiin inay cayimaan wakhtiga ay doorashaddu dhacayso, balse kordhinta xukuumadda waxa iyaguna awood u leh golaha Guurtidda oo qiimaynaya xaaladda abaareed ee jirta ka dibna go’aan ka soo saaraya.
warsom2011@gmail.com









