Wararka xiligan ka soo baxaya suuqa weyn ee Bakaaraha oo ayaa sheegaya in dab uu ka kacay dhisme ganacsi oo ku yaala qeybta Cabdalla Shideeye, kaasoo ku sii fidaya qeybo ka mid ah suuqa.
Dabka oo aan la ogeyn sababaha keenay in uu kaco ayaa waxaa soconaya dadaal weyn oo loogu jiro sidii loo damin lahaa, isaga oo u sii gudbaya dhismayaal ganacsi oo ka agdhaw goobta uu markii hore kacay dabka.
Goob jooge ku sugan suuqa ayaa warbaahinta u sheegay in dabka uu ka kacay Bakhaaro lagu iibiyo qaxwaha oo ku yaala qeybta Cabdalla Shidiye.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabka oo leysku dayayo in la damiyo, waxaana ku sugan agagaarka dhismayaasha gubanaya dadweyne u soo gurmaday oo ku howlan sidii ay uga badbaadin lahaayeen goobaha kale ee ganacsi.
Maahan markii ugu horesey ee dab ka kaco suuqa Bakaaraha walaw khasaaruhu intaan ka badan jirey waqtiyadii uu isku raranta ahaa suuqaasi waxaase hadda uu u muuqdaa mid la hagaajiyey dhismayaasha iyo jidadka soo gala Suuqa Bakaaraha ee muqdisho.
warsom2011@gmail.com









