Xildhibaannada labada aqal ee dowladda federaalka Soomaalya ayaa xalay wada jir uga qeybgalay kulan uu soo qaban-qaabiyay gudoonka baarlamaanka.
Kulanka oo ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa kasoo qeybgalay inta badan Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la isku yiraahdo labada aqal ee kala ah Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ,wasiirro, howlwadeennada Baarlamaanka, fanaaniin iyo marti sharaf kale.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa munaasabadda ka jeediyey khudbado ku aadan xaaladda uu Baarlamaankan ku shaqo bilaabay iyo shaqooyinka ay ka dhowrayaan umadda Soomaaliyeed waxaana khudbadaha ay ka turjumayeen khibradda Xildhibaannada Baarlamaanka mudada fog ku soo jiray iyo Xildhibaannada Golaha ku cusub ee u badan dhalinyarada kuwaasi oo helay fursad ay dalkooda ugu adeegi karaan.
Ugu danbeyntii, maalinta Axad ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 22 bishan Janaayo ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada gudoonka aqalka sare oo ay u taagan yihiin ilaa 16 musharax, iyadoo intaa kadib labad aqal wada jir u soo xuli doonaan gudiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha.
warsom2011@gmail.com









