Soomaali Muhaajiriin ah oo lagu qabtey Magaalada Gaarisa ee KENYA sheegato.

0
786

Ciidamada biliiska ee Kenya yaa muhaajiriin Soomaali ah ku xiray magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya.

Dadkaa ayaa ka koobnaa sideed qof waxaana shalay lasoo taagay maxkamad Gaarisa kutaala oo ku heshay in ay Kenya si sharci darro ah kusoo galeen kuna joogeen.

Dadkaa ayaa la sheegay inay qaar kasoo tacabireen Hargeysa qaarna Muqdisho Soomaaliya.  Waxaa magacyadoodu kala yihiin Xasan Khaalid, Jaamac Qayaas, Cabdi Siyaad, Mubaarak Cabdi, Cusmaan Axmad, C/Xakiim Nuur, Maxamed Cabdi iyo Nuuro Yuusuf.

Waxaa laga soo qabtay meesha loo yaqaano Kaboobey oo ka tirsan degmada Gaarisa ayagoo la sheegay inay kusii jeedeen Nairobi.

Waxaa sidoo lale la qabtay carruur 5 ah oo da’aadoodu u dhexeyso 12 ilaa 17 sano jir.

Arinkan ayaa imaanaya iyadoo dawlada Kenya sheegtey in ay Xuduud beenaadka labada dal u dhaxeeya ay ku xireyso derbi aan leysaga talaabi karin,waxaana tan iyo waqtigaas sii kordhaya cadaadiska lagu hayo soomaalida sida Ganacsatada,Qaxootiga,iyo dano gaara u aada dalkaas Kenya.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak