Musharaxiinta u tartamaya xilka gudoonka barlamaanka iyo ku xigeenadiisa oo diiwaangelintoodu xirantey.

0
535

Xildhibaanada doonaya in ay qabtaan xilalka Gudoomiyaha Barlamaanka ayaa inta la ogyahey ku soo gabangaboobey in ay u sharaxanyihiin illaa afar xildhibaan kuwaas oo magacyadooda aan dib idinkaga sheegi doono.

Sidoo kale kuxigeenka koowaad ee barlamaanka ayaa waxaa isu sharaxey illaa LIX xildhibaan oo midi ay gabar tahey,kuwaasoo dhamaantood isugu taga beesha shanaad iyadoo aan magacyadooda soo sheegi doono insha allaah.

Waxaa sidaas si lamid ah is sharaxey Xildhibaano doonaya in ay qabtaa xilka gudoomiye kuxigeenka labaad ee Barlamaanka,waxeyna tiradoodu iyaguna gaarayaan illaa 12 xildhibaan kuwaas oo kasoo jeeda beelo kala duwan,waxaana meesha ka muuqata in xilalka barlamaanka uu kusoo kordhey xilalka gudoomiyaha iyo kuxigeenada Aqalka sare oo ay qaadan doonaan gudoonkiisa Dirta waqooyi ama Gobolada Waqooyi,anagoo idiin soo gudbin doona liiska Musharaxiinta Barlamaanka iyo Aqalka sare insha allaah.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak