
Waxaa goor dhaw ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne wafdi uu horkacayo wakiilka gaar ah ee QM Micheal Keating.
Wafdiga QM waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowlad iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.
Micheal Keating iyo wafdigiisa ayaa xiligan ku sugan xarunta AMISOM ee dulleedka magaalada Beledweyne, waxaana la filayaa in uu magaalada uu kula shiro madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyo waxgaradka gobolka.
Wixii warar ah ee ka soo kordha safarka Micheal Keating ee magaalada Beledweyne waan idin soo gudbin doonnaa..
warsom2011@gmail.com







