Xarakada Alshabaab ayaa dad gacmaha jartay dadkaas oo ahaa labo rag ah oo gacmaha midig la jaray kadib markii maxkamad Al-Shabaab leedahay ay sheegtay inay ku heshay xattooyo.
Raggaa ayaa maxkamadu sheegtay inay wax ka xadeen dukaan kuyaala deegaanka Kunturwaarey ee Shabeelaha Hoose.
Gacmaha ayaa shalay galab raggaa looga jaray meel fagaare ah. Labadaa nin ayaa la kala yiraahdaa C/Qaadir Maadeey Roobow iyo Maadeey Eenow.
Raggaa oo dhowr iyo labaatan jirro ah ayaa maxkamadu sheegtay inay lacag iyo kaararka taleefanada ka qaateen dukaanka,sida badan aad aad ayey ugu yaryihiin ficilladada xatooyadu meelaha ay ka taliyaan Xarakada Al-shabaab.
Xarakada Alshabaab horay ayay dad kale oo xattooyo lagu eedeeyay gacmaha uga jartay koofurta Soomaaliya,waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo Xarakada Al-shabaab ay dagaal kula jirto dawlada federalka iyo nidaamka Cilmaaniga ah.
warsom2011@gmail.com









