
Wafdi uu horkacayo r/w kuxigeenka soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa shaley ka degey magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka J/LAND kuwaasoo la filayo in ay wada hadallo la yeeshaan qaar kamid ah madaxda maamulkaas,iyadoo ay wehliyaan r/w kuxigeenka saraakiil ay kamidyihiin taliyaha nabadsugidda General C/llaahi Gaafaw Maxamuud iyo Taliyaha ciidanka boliska gen. xaamud iyo kuwo kale.
wufuudan oo la dajiyey guriga martida ayaa waxey kulamo la yeelanayaan m/weynaha J/land,kuxigeenadiisa,wasiirada,iyo xubno barlamaanka jubbaland ka tirsan,lamana oga waxa ay ka wada hadlayaan illaa iminka,waxeyse isaga badantahey in ay ka wada hadlayaan waxyaabo la xiriira doorashooyinka dadban ee dalka ka dhici doona dhawaan.
Maahan markii ugu horeysey ee madax ka socota dawlada federalku ay booqasho ku tagaan maamul goboleedyada dalka ka jira,hase yeeshee tani waxey muujineysaa in xiriirka maamulka jubaland iyo kan dawlada federalku sii xoogeysanayo,beryahan danbe,waxaana hoos u dhacey dagaalkii xagga afka ahaa ee ay hawada isu marin jireen.
warsom2011@gmail.com.





