Qaraxyo caawa lagu weerarey saldhigga boliska degmada waaberi iyo khasaaraha uu geystey.

0
656

beco2FB_IMG_1465347072037Fiidnimadii caawa ayaa waxaa laga maqley agagaarka saldhiga degmada waaberi ee gobolka Banaadir,kaas oo ku yaala wadada Maka Almukarama,waxaana lagu soo waramayaa in qaraxyadu ahaayeen BUMBka gacanta laga tuuro iyo mid lagu xirey gaariga taliyaha saldhiga waaberi oo labaduba aysan khasaare saas u buuran aysan geysan.

Afhayeenka gobolka banaadir C/fitaax oo warbaahinta la hadley ayaa sheegey in khasaaraha ka dhashey qaraxyadaas fulinimada ka muuqato uu yaryahey,wuxuuna sheegey in hal qof uu ku dhaawacmey labada qaraxba,hase yeeshee waxaa dhici karta in khasaaruhu intaa ka badanyahey.

Bumb gacmeedyada oo muqdisho ku yaraa beryahan ayaa caawa tani dhacdey,waxaana jirey weeraro abaabulan oo dagaalyahanada Al-shabaab ay ku qaadayaan goobo kala duwan oo gudaha dalka soomaaliya kamid ah,mana jirto wali cid sheegatey weerarkan ugu danbeeyey ee lagu qaadey saldhiga booliska degmada waaberi ee gobolkan Banaadir.

warsom2011@gmail.com