Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda wararka Soomaaliyeed Ee warsom.com )
Dowladda KMG Ee Soomaaliya ayaa Maanta Si Cad U Shaacisay In ay mamnuucday Ka Ganacsiga Hubka Gudaha Magaalada Muqdisho Ee caasimaga Dalka Soomaaliya
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Jahweyn Ayaa Saxaafadda Muqdisho U Sheegay In Xukuumada Soomaaliya ay Go’aamisay In La mamnuuco Ka ganacsiga Hubka Cidii Lagu Arkana Laga qaadi Doono Tallaabo Sharciyan ah
Oraahda Wasiirka ayaa Waxa ay ka dambeysay ka Dib Markii Ciidamo ka Tirsan Dowladda Oo Uu Hogaainaya Taliyaha Qaybta Bartamaha ay Dagaal Culus Kula Galeen Wadda Gasho Suuqa Cirtoogta Ciidan Oo Cidna Ka Tirsan waa Dowladda Iyo Al Shabaabee isla Markaan Lagu Dhaawacay Taliye Cali Xirsi Barre Cali Gaab
Haddaba Qubaro Siyaasadeed Oo Warsom ay La Xiriirtay ayaa cadeeyey In Wadadda Uu Ku Socda madaxweyne Shariif ay Tahay Tii Uu Ku Dhacay Geesigii Soomaaliya jaalle Maxamed Siyaad Barre Allaha U Naxriistee Maadaama Madaxweyne Siyaadna Uu Isana Isku dayey In Uu Hakiyo Hub Si Qarsoodi Halkaasi Loogu Iibin Jiray
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda wararka Soomaaliyeed Ee warsom.com )





