Abaaro ba’an oo saameeyey inta badan gobolada ay soomaaliya ka koobantahey.

0
605

Xoolo-dhaqatada ku nool duleedka degmada Luuq Ganaane ee gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya ayaa ka cabanaya saameynta ba’an ee ay abaaruhu ku reebeen kadib markii ay dhaafeen ama dhammaadeen inta badan xoolihii ay dhaqanayeen.

 

Xasan Maxamed Faarax, oo ka mida odayaasha xoolaleyda ah ee ku nool deegaanka Godobey oo galbeedka kaga beegan degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa warbaahinta shalay u sheegay inay wajahayaan dhibaatooyin isbiirsaday oo kala ah xoolihii ay dhaqanayeen  iyo kuwii ay dhaansanayeen oo dhaafaya ama abaarta u geeriyoonaya qaarba mar.

 

Waxaa uu ka dhawaajiyay in xaaladda dadka ay hadda tahay mid aan aad u liidanin balse ay ka baqayaan waxa dhacaya markii ay waayeen xoolihii ay ku noolaayeen.

 

Si kastaba ha ahaatee arintaan cabsida ah ee ay qabaan reer Gedo ayaa imaanaysa ayadoo xooluhu u dhimanayaan biyo iyo baad la’aan qeybo badan oo Soomaaliya ah intaana ay dheertahay in lasoo tebiyay shalay in dad gaaraya tobaneeyo ay biyo iyo baad la’aan ugu dhinteen gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

 

Xubin ka tirsan Guddiga Ka Hortagga Abaaraha Qaranka ee Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay warbaahinta u sheegay in ilaa toban ruux ay goboladaasi Shabeelooyinka ugu dhinteen oon iyo gaajo.

 

Intaa waxaa dheer in webiga Shabeele uu guray meelaha qaar ayadoo warar laisla dhexmarayo ay sheegayaan in abaarta ka sakow biyo xireeno laga sameeyay webigaa meelaha uu soo maro ee dhanka Itoobiya.

 

Meelo kale oo dalka ah ayaa iyana masuuliyiintu marba marka ka dambeysa soo xaqiijinayaan in dad ay oon iyo harraad ugu dhimanayaan walow aysan dhimashada dadku u dhimanyaan arimahaa oonka iyo harraadka ah aysan weli badnayn oo aysan gaarsiisneyn tiro badan. Si kastaba ha ahaatee waxaa walaac xooggan masuuliyiintu ka muujinayaan dhimashada dadka ee oonka iyo gaajada dartood bilaabatay.

 

Hal asbuuc ka hor, guddoomiyaha gobolka Awdal, Maxamuud Cali Suleymaan (Ramaax) ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in labo qof ay harraad iyo gaajo ugu dhinteen deegaanka Fardo Lagu Xidh ee degmada Lughaye ee gobolkaasi Awdal kadib markii abaaraha dalka kajira dartood ay xoolihii ay dhaqan jireen ay dhinteen wax ay cunaan iyo biyana ay waayeen.

beco2