Munaasabad loogu dabaal-dagayay sannad-guuradii 72-aad ee kasoo wareegtay aas-aaskii ciidanka booliska Somalia ayaa maanta lagu qabtay Dugsiga Tababarka Booliiska ee Jen. Kaahiye ee Muqdisho.
Xuska ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo saraakiil ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliya, kuwaasoo salaan-sharaf ka guddoomay cutubyo ka tirsan ciidanka booliiska; iyagoo hambalyo u diray ciidanka booliiska Somalia, caruurrtooda iyo xasaskooda.
Ciidanka booliiska Somalia ayaa waxay xafladda kusoo bandhigeen dhoola-tus, gaadiidka ay ku howl-galaan iyo qalab casri ah oo ay ku shaqeeyaan, sidoo kale kooxda Bambeyda booliiska Soomaliya ayaa iyaguna tumayay muusig aad u soo jiitay ka qayb-galayaasha.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khubad ka jeediyay xuska ayaa si gaar ah ugu boorriyay ciidanka booliiska Somalia inay howshooda adkeeyaan, wuxuuna ku amaanay howsha ay hayaan oo uu sheegay inay tahay mid ay Qarankooda ugu adeegayaan.
“Booliiska Soomaaliya way soo kabanayaan, isla markaana waxaa loo baahan yahay in lala shaqeeyo si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran ee loo igmaday,” ayuu ku yiri madaxweyne Xasan Sheekh khudbadiisa.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ayaa hoosta ka xariiqay in askariga ka tirsan ciidanka booliiska Somalia laga doonayo inuu barto qorista iyo akhrinta afka Soomaaliga, taasoo uu xusay inay qayb ka qaadanayso tayada iyo aqoonta ciidamada booliiska Somalia.
Ciidamada Booliiska Somalia ayaa waxaa la aasaasay 20-kii December 1943-kii, waxaana sannad walba la xusaa maalintii la aasaasay, iyadoo sannadkan ay ku beegan tahay sannad-guuradii 72-aad ee ciidamada booliiska Soomaaliya.
Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa isagana sheegay in ciidanka booliska ay yihiin hooyada ciidamada qalabka sida ee Somalia; loogana baahan yahay inay si daacad ah ugu adeegaan bulshadooda.
Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Booliiska Somalia, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa isagana munaasabada ka sheegeay in ciidanka booliska Soomaaliya ay ku guuleysteen inay fuliyeen mashaariic kala duwan; kuwaasoo uu ka mid yahay mashruuc loogu magac-daray dhiso dalkaaga .
Ugu dambeyn, Taliyeyaasha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa iyaguna xafladda lagu xusayay 72-guuradii kasoo wareegtay aasaaska ciidanka booliiska Somalia kasoo jeediyay khudbado isugu jiray guubaano iyo ammaan.





