Qaar kamid ah salaadiinta maamulka Jubbaland oo maanta kulan isugu yimid ayaa si weyn uga soo hor-jeestay hab raaca 4.5-ka oo kamid ah nidaamyada ay Soomaalidu wax ku qaybsato, iyagoo sheegay in nidaamkaasi yahay mid aan xilligaan loo baahnayn.
Wax-garadkaan ayaa sheegay inaan xilligaan loo baahnayn in dib loogu laabto waqtiyadii qaabka qabiilka wax lagu qeeybsan jiray, shacabka Soomaaliyeedna ay u baahan yihiin in ay cadaalad arkaan oo hab deegaan wax lagu qeeybsado.
Ugaas Cumar Xiireey oo ka mid ah salaaddiinta Jubbaland ayaa sheegay inaysan marnaba aqbali doonin nidaamka 4.5-ka ah, isagoo xusay in loo baahan yahay in la qaato nidaamka deegaanka oo uu xusay inuu yahay kan keliya ee xiligan bulshada Soomaaliyeed u cuntami kara.
“Qabiil waan kasoo daalnay, ninka xilligan ku talinaya in qabiil wax lagu qeeybiyo maka yeeli doonno, madaxweynaha Soomaaliya isaga ayaa yiri 2016 waan ka gudbeeynaa qabiil, inaguna taa ayaan qaadannay,” sidaa waxaa yiri Ugaas Xiireey.
Dhammaan salaadiintii ka hadlay kulanka ayaa si isku mid ah uga soo horjeestay nidaamka ah in wax lagu qaybsado 4.5, kaas oo ay sheegeen inuu yahay mid dulmi ah, xildhibaankii sidaa lagu soo doortana uusan matali karin deegaanada laga soo doortay, laakiin uu yahay mid matala beeshiisa.
- Ugaas Cumar Xiireey
2. Ugaas Aadan Maxamed Axmed
3. Ugaas Axmed Siraad Baqoow
4. Suldaan Cali Siciid Cawl
5. Suldaan Faqi Sayid Suldaan Faqi
6. Ugaas Kuushi Cabdi Nuur
7. Nabaddoon C/llaahi Diirshe Danan
8. Nabaddoon C/laahi Axmed Xineeyste iyo odoyaal dhaqameed kale.
Kulanka ay isugu yimaadeen waxgaradkan ayaa kusoo beegmaya xilli madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedyadu ay ka shirayaan nidaamka lagu saleyn doono doorashooyinka sanadda 2016 ka dhici doona dalka.