Wasiirka Amniga Xukuumadda Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed oo ka mid ah wafdi ka socda dowladda federaalka Somalia iyo maamul-gobolleedka Galmudug oo shalay soo gaaray magaalada Beledweyne, ayaa maanta kulan la yeeshay waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.
Wafdiga ka socda DFS ayaa ku guuleystay maanta inay kala qaadaan maleeshiyadii isku hor-fadhiyay xaafadda Howl-wadaag oo ay ka dhaceen dagaalladii ugu cuslaa, iyaga oo dhinaca kalana ku qanciyay waxgaradka labada beellood in ay aqbalaan xabad joojinta.
Kulanka maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa siweyn loogu lafa-guray dariiqa iyo habka ugu sahlan ee loo guda-gali karo wajiga labaad ee xalinta khilaafka beelahan oo soo laabta in la isku keeno odayaasha labada dhinac.
Wasiirka Amniga ayaa guddi u saaray arintan kuwaa oo ka soo shaqeyn doonna sidii loo sii abaqaadi lahaa kulamada socda iyo siddii loo dhameyn lahaa colaada soo noq -noqotay ee ka dhax taagan labada beelood.
Ugu dambeyn, xaalada guud ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa maanta ah mid deggen, waxaana soo maray dhamaan aagaggii saddexdii cisho ee la soo dhaafay lagu dagaallamay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.