Wada tashiga hiigsiga 2016ka oo la soo gaban gabeeyey iyo qodobo laga soo saarey.

0
683

Shirkii looga Tashanayay Qaabka ay noqon doonto doorashada dalka ka dhici doonta sannadka 2016-ka ayaa goor-dhow lasoo gaba-gabeeyay, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeedka koobnaa toddoba qodob.

Inkastoo shirkan inuu furmo ay muddo qaadatay, ayaa wax yar kaddib markii uu furmay la soo gunaanaday, waxaana qodobada laga soo saaray ka mid ah; in la sameeyo Aqalka sare iyo Aqalka hoose ee baarlamaanka, iyadoo la isku dheeli tirayo; qaabka lagu soo xulayana ay noqoto hannaanka 4.5-ka iyo hannaan deegaan.

Sidoo kale, qodobada shirka laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ah in shir kale la isugu soo laabto 10-ka bisha Jannaayo ee sanadka 2016, kaasoo lagu qabanayo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kaasoo laga ambaqaadi doono shirka maanta soo xirmay.

Kulankan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa; madaxda dowladda Somalia, madaxda maamul-goboleedyada dalka, mas’uuliyiin ka socda gobollada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan, xubno ka socday ururrada bulshada rayidka ah iyo xubno ka socday Beesha Caalamka.

Haddaba; AKHRISO Qodobbadii kasoo baxay shirkii doorashooyinka ee Muqdisho;