SHirkadda Nationlink ayaa waxaa soo food saarey cilad xagga khadka ay isticmaasho kaas oo aan la garaney waxa sababey,iyadoo markii horaba aan aheyn mid horumarsan ayaa hadana beryahan waxaa lagu arkey khadka oo iska go’aya.
SHirkadan oo isku daydey in ay la tartanto shirkadda Hormuud ayaa waxey sameyn jirtey lacago dheeraad ah oo ay ku shubto xaga hoose ee isticmaalka telefonka marka uu macmiilku ku shubto kaar prepayd ah taas oo isla markiiba ka baxaysa accounka ay ku dhacdey.
xalku wuxuu noqdey in layskaga guuro telefoonada shirkadda Nationlink hada dad badan oo aan la xiriirney ayaa noo sheegey in ay ka quusteen maamulka shirkada si ay wax uga bedelaan caqabada heysata dadka isticmaala telefonka NATIONLINK.
Sir ku saabsan hab dhaqanka madaxda ugu sareysa Nationlink iyo qiyaamooyinka ay kula dhaqmaan dad weynaha la soco wixii ku soo kordha./ XIGASHO/kacaan.com





