Ururka islaamiga ah Daacish oo dawlada faransiisku ugu hanjebtey weeraro xagga cirka ah.

0
473

Madaxweynaha dalka Faransiiska ayaa si rasmi ah u sheegay maanta oo Isniin ah in Faransiisku uu xoojinayo duqeymaha dhanka ka ah kooxda Islaamiga ah ee Daacish, isagoo sheegay inay beegsanayaan saldhigyada ay IS ku leedahay waddamada Suuriya iyo Ciraaq.

Francois Hollande ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la sheegay RW UK David Cameron, kaasoo ay ku sheegeen labadan hoggaamiye inay ku heshiiyeen inay xoojiyaan is-dhaafsiga wararka sirdoonka labada waddan.

“Waxaan rumeysanahay inaan burburin karno Daacish,” ayuu yiri Hollande oo maalmahan dadaal xooggan ugu jiray sidii uu u heli lahaa garab gacan ka siiya howlgallada Faransiisku uu uga jawaabayo weerarkii toddobaad ka hor ay ISIL ku qaaday magaalada Paris oo ay ku dhinteen in ka badan 130-qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 350-qof oo kale.

“Duqeymaha ka dhanka ah ISIS waan sii xoojin doonnaa… waxaanan dhaawacyo xooggan gaarsiin doonnaa kooxda si walba oo ay suuro-gal noogu noqoto,” ayuu Hollande mar kale ku yiri hadalkiisa.

Sidoo kale, Hollande ayaa wuxuu intaas ku daray. “Waa inaan burburinno ISIS… waxaana ku wargelinnay ciidamadeenna cirka inay si adag u duqeeyaan xarun walba oo ay leedahay Kooxda Daacish.”

Maalmihii lasoo dhaafay ayuu madaxweynaha Faransiiska wuxuu kulammo kala duwan oo uu taageero ku raadinayo la yeeshay madax ay ka mid yihiin; madaxweyne Vladimir Putin iyo RW Jarmalka, Angela Merkel, isagoo sidoo kalena taleefoonka kula hadlay Obama.

Hollande ayaa hadalkiisa ku daray in dalalka France iyo Britain ay muddo dheer ka wada-shaqeynayeen sidii xal siyaasadeed loogu heli lahaa kooxda ISIS ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq.