Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo Xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa Dagaal Culus oo saacdo qaatay waxuu dhexmaray Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose ee Konfurta Soomaaliya.
Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab ay Weerar ku qaadeen Ciidamo ka mid ah kuwa AMISOM oo howlgallo raando ah ka waday inta u dhaxeysa Degaanada Buulo-mareer iyo Goolweyn ee Gobolka Sh.Hoose.
Guddoomiye ku xigeenka Degmada Kunturwaarey ee Gobolka Sh.Hoose, Muxudiin Khaliif Cali oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay Dagaalkaasi waxuuna sheegay in uu jiro khasaaro kala duwan inkastoo uusan cayimin.
Wararka ayaa sheegaya in Dagaalkaasi uu khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Al Shabaa oo Weerarka gaadmada soo qaaday.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhabta ee soo kala gaaray labada dhinac ee ku Dagaalamay inta u dhaxeysa Degaanada Buulo-mareer iyo Goolweyn ee Gobolka Sh.Hoose balse Xaalada ayaa haatan lagu soo maramayaan in ay tahay mid deggan.