Ciidamo ka tirsan kuwa dawlada soomaaliya ayaa maanta waxey xasuuq ka geysteen meel u dhaw jaamacaddii Gaheyr ee hore,waxaana ka dhacey khasaare fara badan oo dhaawac iyo dhimasho isugu jira,ciidamadan ayaa waxey rasaas aan loo meel dayin ku fureen dad rayid ah oo isugu soo ururey meel heyad kheyli ahi ay gargaar ka bixineysey.
Tirada dhimashada halkaa ku geeryoodey ayaa lagu soo waramayaa in ay dhantahey 15 ruux halka dhaawacu intaa ka badanyahey,waxaana la sheegayaa in ciidamo hore ugu sugnaa goobta shilku ka dhacey ay soo weerareen kuwo kale oo isla ciidamada dawlada ka tirsanaa.
Falalka nuucan oo kale ah ayaa ah kuwo soo noq noqda oo caadi ka ah gudaha soomaaliya mana jirto cid dabagal iyo maxkamadeyn ku sameysa mar hadiiba cida dilka geysatey ay tahey ciidanka dawlada cida wax loo geystana ay rayid tahey,ilaa iyo hada ma jirto cid u hadashey ciidamada dawlada oo sababeyseysey falkaan aadka looga naxey ee maanta muqdisho ka dhacey.