Barlamaanka soomaaliya oo kalfadhigiisii maanta isku raacey in ciidamada dalka kenya si deg deg ah uga baxaan gudaha soomaaliya.

0
469

Barlamaanka soomaaliya ayaa kalfadgiisii maanta uga hadley derbiga ay dawlada kenya ka wado xuduud beeneedka u dhaxeysa labada dal taas oo soomaalidu dhaman u aragto xad gudub ay kenya ku hayso ciida soomaaliya iyadoon barlamaanku waqtigan ka hor uusan arintan si guud uga hadlin.

 

Barlamaanka ayaa dhageystey labo gudi oo kala ah gudiga arrimaha debedda iyo gudiga arrimaha gudaha oo talo kusoo jeediyey in kenya laga saaro ciidamadeeda ciida soomaaliya waana markii ugu horeysey ee gudiyadani carabka ku dhuftaan ereygan ciidan kenya looga saarayo gudaha soomaaliyal.

 

Ugu danbeyntii ayaa barlamaanka soomaaliya wuxuu cod u qaadey talo soo jeedinta labada gudi waa gudiga arrimaha debedda iyo gudiga arrimaha gudaha iyadoo cod aqlibiyad leh isku raaceen in ciidamada dalka kenya laga saaro ciidda soomaaliya marka laga reebo labo xubnood oo arintaas kasoo horjeestey iygoo barlamaanku sheegey in dawlada dalka kenya ay tixgelin weysey qaranimada iyo madaxbanaanida qaranka soomaaliya.

 

DHanka kale golaha xisbiyada soomaaliyeed iyo kuwo kale oo dalka soomaaliya ka jira ayaa arintan cambaareeyey kana soo horjeestey iyagoo ugu baaqey xukuumada barlamaanka iyo shacabka soomaaliyeed in la difaaco qarannimada soomaaliya,waxeyna sheegeen in ciidamada kenya aysan sharci kusoo gelin soomaaliya ayna ujeedadoodu aheyd in ay boobaan biyaha iyo beriga soomaaliya iyagoo ka faaiideysanaya marxalada ay soomaaliya waqtigan ku jirto.