Kenya Oo Sheegtey In Ardey Badan Oo Dalkaasi U Dhashay Ay Wali Ku Biirayaan Kooxda Al-Shabaab.

0
503

Dowlada Kenya ayaa
sheegtey in ardey badan oo dalkaas u
dhashay ay wali ku biirayaan kooxda
Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta
Kenya.

Madaxa ciidamada Kenya Samson
Mwathethe oo ka hadlayey
munaasabad lagu xusayey sanad
guuradii afaraad ee kasoo wareegtay
markii ciidamada Kenya ay galeen
Soomaaliya, ayaa shaaca ka qadaay in
tirada ardayda Kenyanka ah ee ku
biiraya Al-Shabaab ay sii kordhayaan.

Samson waxa uu sheegay in baraha
bulshada sida facebook iyo twitter-ka
ay yihiin aalado iminka qatar ku ah
ammaanka Kenya, sababtuna ay tahay
inay yihiin goobaha lagu tashkiiliyo
ardyada loogana qoro Kooxda Al-
Shabaab.

Waxa uu ku baaqay dagaal ay si wada
jir ah u galaan dowladda,
maamulayaasha iskuullada iyo
waalidiinta, si looga hortago in
ardayda loo shaqaaleeyo kooxda Al-
Shabaab.

Tani Ayaa Imaaneysa Xilli Walaaca ugu weyn uu ka taagan yahay baraha bulshada sida Facebook iyo
Twitter, oo la sheegayo inay yihiin
meelaha ay Al-Shabaab ku tashkiiliso
ardayda Kenya.