Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Oo Maanta Xilkiisa Loo Dhaariyey.

0
577

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa maanta hortiisa lagu dhaariyey Abaanduulaha Cusub ee Ciidammada Xoogga Dalka, S/Guuto Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar Iyo Taliyaha Cusub ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aadan Axmed.

Munaasabadda dhaarta Ah Ayaa Waxa Ay ka dhacdey xarunta Madaxtooyada, Waxaana Halkaasi hadal ka jeediyay Madaxweynaha Isagoo kula dardaarmey madaxda cusub ee ciidammada inay meesha ka sii wadaan guulaha iyo horumarka uu ciidanka sameeyay muddadii ay xilka hayeen madaxdii ka horeysey.

“Xasan Sheikh“ Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay ku talaabsadeen horumar la taaban karo, dowladduna muhimad gaar ah ayay siineysa inay daboosho baahida ciidanka. Cadowga nabad diidka ah waxaa la gaarsiiyey jab xooggan, taana waxaa abaalkeeda leh ciidammada Xoogga Dalka oo garabsanaya AMISOM. Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad ka faa’ideysataan horumarka ay sameeyeen taliyeyaasha idinka horeeyay, isla markaana aad ka shaqeysaan tayeynta ciidanka iyo inaad waddanka u horseeddaan inuu nabad Gaaro.

Goobta Ay Ka Dhaceysay Xafladda dhaarta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale Oo Dhamaantood Halkaasi Hadalo Ka Jeediyeen