Iyadoo Dowladda Mareykanka ay sheegtay inay kordhinayso beegsiga ay ku hayso Ururka Al Shabaab ee Koonfurta Iyo Bartamaha Somalia ka dagaalama, ayaa Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somalia, C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, wuxuu ka hadlay sababta Mareykanka ay u sheegeen inay kordhinayaan Beegsiga Shabaabka.
Fiqi waxa uu sheegay labo arin inay Saldhig u tahay sababta Mareykanka ay xilligaan u sheegeen inay kordhinayaan Beegsiga ay ku hayaan Shabaabka.
Waa mida Koowaad Mareykanka oo doonaya inuu kordhiyo beegsiga uu ku haayo xubnaha Argagagixisada iyo Madaxda Ururka Al Shabaab ee ku sugan Koonfurta Somalia.
Mida labaad ayaa ah inuu ogaaday Mareykanka faa’iidooyinka ay leeyihiin Isticmaalka Diyaaradaha Drone-ka ee lagu beegsado Madaxda Ururka Al Shabaab, isaga oo sheegay in Diyaaradaha Drone-ka ay garanayaan Bartilmaameedkooda.
Diyaaradaha Drone-ka ee Mareykanka isticmaalo qofna ma wado oo waxaa laga hagaa qalab Milateri oo Mareykanka uu haysto, waana mida keentay inay si fudud ku beegsadaan Madaxda Shabaabka.
Intii howlgalada ay ka fulinayeen diyaaradahaan Drone-ka Somalia, ayuu sheegay Fiqi inay laayeen Madax ka tirsan Ururka Al Shabaab oo uu ka mid yahay Hogaamiyihii Ururkaasi Ahmed Cabdi Godane oo Duqeyn diyaaradaha Drone-ka ay ka geysteen Gobolka Shabeellaha hoose lagu dilay.
Sidoo kale waxa ay abuureen Diyaaradahaan qal-qal iyo kala shaki soo kala dhexgalay Madaxda Ururka Al Shabaab dhexdooda oo ay ka luntay kalsoonidii ay isku qabeen.
Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somalia ayaa wax laga weydiiyay, Dowladda Somalia in lagala tashado howlgalada Diyaaradahaan Drone-ka looga fuliyo Somalia, waxaana uu ku jawaabay inaan inta badan Dowladda lagala tashan, balse ay jiri karaan qaar lagala tashado Dowladda.
Al Shabaab oo Somalia ka dagaalanta ayaa leh cudud Milateri oo dhanka Dhulka ah, waxaana ay qabaan dadka arimaha Milateriga ka hadla in looga adkaan karo kaliya Beegsiga dhanka Cirka ah ee Madaxdooda lagu haayo.





