Urur Goboledka IGAD ayaa goordhow war kasoo saaray doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo ee lagu doortay Hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe.
Maxamed Cabdi Afey Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay doorashada, isagoo dhanka kale ka digay in laga hor yimaado.
Afey ayaa tilmaamay in doorasho xalaal ah ay ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Hadalka IGAD ayaa kusoo aadaya xili muran badan uu ka taagan yahay shax ahaanshaha doorashada Axmed Madoobe.





