Jaamacadda SIMAD Oo Markii 2-Aad Weeraro Qaraxyo Ah Lagu Qaaday.

0
475

Weerar hubeysan Ayaa Markii 2-Aad lagu Qaadey Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho oo Ay Shabaabku Sheegeen In Ay Ku tuhunsanyihiin Mucaskar dhanka waxbarashada ah oo Soo saarta madaxda Ururka Damul Jadiid!.

Xalay fiidkii ayay xoogag hubeysan Bambaanooyin ku tuureen dhismaha Jaamacadda qeybta degmada Wardhiigleey Waxayna dadka deegaanka ay sheegay in ay maqleen jugta qarax weyn balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Xoogag hubeysan oo sheegtay in ay katirsanyihiin shabaabul Mujaahidiin ayaa laba maalin ka hor weerar qarax ku qaaday Jaamacadda SIMAD iyagoona daadiyay warqado digniin ah oo ay ku sheegayaan in Jaamacaddu xirantahay islamarkaana ay tahay bartilmaameed.

Boqolaal arday oo jaamacadda dhigan jiray ayaa faylashooda qaatay iyagoona ubaqoolay dhanka goobo waxbarasho oo ammaan ah islamarkaana aan ku lug laheyn siyaasadda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in waalidiinta ardayda Jaamacadda SIMAD ay kulan laqaateen maamulka ayna ka codsadeen in wax laga bedelo qaabka wax loo wado haddii kale ay warbaahinta ka hadlayaan ayna sheegi doonaan xaqiiqda dhabta ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in SIMAD ay kamid tahay ilaha dhaqaalaha Xisbiga Damul Jadiid islamarkaana ay soo saarto siyaasiyiin dabadhilifyo ah oo soomaaliya shisheeyaha kusoo hoggaamiyay waxaa kale oo tuhunada kamid ah tahay in macalimiinta iyo maamulka qaarkood ay jaasuusaan ardayda sunnadu ka muuqato ee waxka barta kuliyadaha kala duwan ee jaamacadda.