Tima Jilic:-Xildhibaanada Wada Moshinka Waa Kuwo Waajibaadkooda Ku Fashilmay Doonayana Iney Indhaha Dadka Iska Weeciyaan”.

0
499

Cali Max’ed Nuux Timajilic Gudoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed ahna ku simaha guddoomiyaha xisbigaas ayaa sheegay in dalka si uu ugu tallaabsado horumar loo baahan yahay in la meel mariyo sharciga axsaabta Siyaasadeed ee Soomaaliya si looga gudbo hanaanka 4.5 ee ay in muddo ah ku soo mooday umadda Soomaaliyeed.

“Annagu waxaan ka shaqeyneyno waa in in hab siyaasadeed oo axsaab ku dhisan la helo si loo gaaro midnimo iyo horumar” ayuu yiri Timajilic oo intaa ku daray in dowladu aysan xil iska saarin sidi ay dalka u gaarsiin laheyd doorasho xor ah, taas bedelkeedn ay mashquul ku noqotay arrimo ay ka mid yihiin khilaaf iyo waxyaabo kale.

Dhinaca kale, Gudoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay mowshinka xildhibaanada Baarlamanka qaarkood ay ka keeneen madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud mid aaney maslaxad ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.

“Baarlamanka Xukuumada iyo madaxtooyada eed kasta oo timaada waa wada leeyihiin, qolo gaar ah dhabarka looma saarin karo, xildhibaanada mowshinka wada waa kuwo kuwo waajibaadkooda ku fashilmay oo doonaya iney indhaha dadka iska weeciyaan” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Timajilic ayaa sheegay in baarlamanka uu ku guul dareystay shuruuc badan oo hor tiilay inuu meel mariyo kuwaasoo ay ka mid yihiin, xeerka maxkamadii dastuuriga, xeer asxaabta siyaasadeed ee dalka, ayna sadex guddi oo kaliya ka meel mariyeen sagaal guddi ee dastuuriga ah” ayuu yiri Cali Timajilic.

Waxaa uu sheegay in madaxweynaha Somalia ay xilkiisa uga dhiman tahay hal sano, wuxuuna mowshinka laga keenay ee shaqada looga eryeyo ku tilmaamay mid aan sax aheyn oo ujeedooyin kale laga leeyahay kuwasoo uu sheegay iney ka mid yihiin xili kororsi ay damacsan yihiin xildhibaanada.

“Haddii ay hadda bedelaan madaxweynaha, inta madaxweyne kale oo bedelaya la helayo waqti badan ayey qaadaneysaa, xiliga dowladana sanad ayaa ka dhiman, waxaa isweydiin leh hadii madaxweyne cusub la keeno iyadoo xilkiisa ay dhowr bilood ka harsan tahay muxuu qaban karaa oo macno leh waa maya, anigu waxaan u arkaa mowshinkan mid lugooyo ku ah umadda oo aan xiligiisa la joogin” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Timajilic ayaa ku eedeeyey maamulada Puntland iyo Jubaland iney gadaal ka riixayaan mowshinkan maadaama uu khilaaf kala dhexeeyo madaxweynaha, wuxuuna xusay iney adeegsanayaan xildhibaano ka tirsan baarlamanka si madaxweynaha meesha looga saaro.