Axmed Cabdi Salaan Aadan Oo Ka Mid Ahaa Musharaxiinta Loolanka Adag Ugu Jirtey Madaxtinimada Maamulka Gal-Mudug Ayaa Waxa Uu Maxkamada Cadaado Dacwad Ka Geeyey Mid Ka Mid Ah Xildhibaanaddii Uu Laaluushaka Siiyey Wuxuuna Ku Dacweeyey In Xildhibaankaasi Uusan Wax Cod Ah Siinin Lacago Badana Uu Ka Qaatey.
Musharaxaani Ayaa La Sheegay In Xildhibaanka Uu Maxkamada Ka Dacweeye Uu Abti U Yahay Waxaana Fadeexadaani Ay Soo Ifabaxdey Kadib Markii Axmed Cabdi Salaan Uu Sheegay In Qayaano Uu Kula Kacay Wixi Ay Ku Balameena Uusan Fulin,Isagoo Lacagta Uusiiyey Uu Ku Sheeay In Ay Tahay $10,000,doller.
Tani Ayaa Waxa Ay Sharaf Dhac Weyn Ku Tahay Amb,Axmed C/salaan Maadaama Uu Haatan Ku Cataabayo Laaluush Uu Horey U Bixiyey,waxaana Inta Badan Musharaxiinta Kula Jirtay Loolanka Musharaxnimo Ay Ka Siman Tihiin Arintaani Laaluushka Ah.





