Ururka Al-Shabaab Oo Gudaha U Galey Degmada Yunbis Ee Waqooyi-Bari Kenya,Calankoodii Madowaana Ka Taagay.

0
628

Wararka Ka Imaanaya Magaalada Gaarisa Woqooyi Bari Ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Dagaalyahano Ka Tirsan Kooxda Al-Shabaab ay gashay degmada Yunbis.

Wasaaradda arr. gudaha Kenya ayaa sheegtay in dableyda halkaasi laga saaray kadib markii ciidamada amnigau ay dagaal la galeen.

Dagaalyahanada al-Shabaab ayaa halkaasi ka taagey calanka madow ee al-Shabaab Iyagoona Mudo Badan Ay Heysteen Degmadaasi

Al-Shabaab ayaa bishii hore weeraray oo gudaha u galay jaamacadda magaalada Garissa, halkaasina waxay ku dileen in kabadan 148 qof oo arday u badan.

al-Shabaab ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan Kenya, iyago sheegay inay uga aargudanayaan joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya