Maamulka Puntland Oo Maanta Dib U Fasaxday TV,ga Qaranka Soomaaliya.

0
473

Maamulka Puntland ayaa sheegay inay ka noqdeen amar ay shalay shaqadii uga joojiyeen Telefiishanka dowladda Soomaaliya hawlihii uu ka waday Puntland.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha maamul goboleedka Puntland C/laahi Xaashi Warsame Qoob-deero oo amarkan isagu soo saaray ayaa sheegay in Telefiishanka dowladdu uu warar been abuur ah ka tabiyay Puntland, taasina keentay in muddo kooban shaqada laga joojiyo.

Maalin Ka Hor Ayey Aheyd Markii Ay Wasaaradda Arimha gudaha ee Puntland amar ay soo saartay waxa ay kaga mamnuucday deegaanada ay ka taliso ee Puntland oo dhan in uu ka hawl galo Telefishanka dowladda federaalka Soomaaliya ee SNTV.

Wasaaradda ayaa ku eedeysay in TV-gu uu liiday isla markaana uu been abuur ka sameeyay howlaha gurmada ee ay waddo Puntland ee loogu gargaarayo dadka qaxootiga ah ee ka imaanaya Yemen.

Waxa ay sheegeen in Barnaajinkaas uu TV-gaka baxay 17-kii Bishan.