Maxkamad Ku Taala Masar Oo Xukun Dil Ah ku Xukuntay Madaxwaynihii Hore Ee Masar Maxamad Mursi.

0
498

Maxkamaddu waxa ay sheegtay in xukunkaas loogu fuliyay kaalintii uu ku lahaa maxaabiis xabsi laga siidaayay 2011.

Hogaamiyahii hore waxa horay 20 sano oo xarig ah loogu xukumay in uu amray in la xiro oo la jir dilo mudaaharaadayaal intii uu xilka hayay.

Hay’addaha diimaha ee dalka ayay hadda tahay in ay sheegaan waxa ay xukunkaasi ka qabaan inta aan dilkaasi la fulinin.

Mursi waxaa xilka ka tuuray millitariga bishii 7 ee sanadkii 2013-kii, arrintaas oo dabo socotay mudaaharaadyo balaarnaa oo lagaga soo horjeeday xukunkiisa.

Intaas wixii ka dambeeyay xukuumaddu waxa ay mamnuucday dhaqdhaqaaqa Muslimiinta walaalawday ama Ikhwaanul muslimiin waxaana la xiray kumanaan ka mid ah taageerayaashooda.

Ururka Ikhwaanul muslimiin ayaa go’aanaka maxkamadda ku tilmaamay wax lagu qoslo Arintaasina Ay Marnaba U Dulqaadan Doonin.