Dagaal Ka Dhacay Duleedka Rab-dhuure Ee Bakool,Iyo Guulo Ay Kala Sheegteen Labada Dhinac Ee Hardamay.

0
533

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka iyo Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Rab-dhuure ee gobolka Bakool Waxaana Halkaasi Ka Dhashay Qasaaro Labada Dhinac Ah.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Ay Dagaalyahano katirsan ururka Al-shabaab weerar ku soo qaadeen deegaan fadhiisin u ah ciidanka dowladda Iyo Kuwa Ethopia oo ku yaalla duleedka degmado Rab-dhuure.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bakool oo la hadlay  Warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka dowladdu ay dagaalkaasi ku dileen 10 ka tirsanaa Kooxihii weerarka soo qaaday.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in Dagaalyahanada Shabaabka ay dooneysay in ay la wareegaan fadhiisinkaasi balse iska caabbin xooggan oo ay kala kulmeen ciidamadii halkaasi ku sugnaa ay ku kaliftay in ay dib u baxsadaan.

Dhinaca Kale Saraakiisha Al-shabaab Ayaa sheegay in Ciidankoodu ay gaadiid ka gubeen ciidamada Itoobiya dagaalladuna Ay saacado badan qaateen markii dambena hakadeen halka ciidanka Dowlada Iyo Kuwa Itoobiya ay madaafiic ku garaaceen dhulka howdka ah Ee Xoolaha Daaqa.

Sarkaalkani La Hadlay Warbaahinada Afka Al-shabaab Ku Hadla Ayaa Yirri ”Ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa ku dhawaad 2 isbuuc oo xiriir ah weeraro ba’an ku wajahaya gobolka Bakool waxaana caqabad adag lakulmaya saadka cadawga ee isaga kala goosho degmooyinka gobolkaasi”.

Guulaha Ay Kala Sheeganayaan Labada Dhinac Ka Sokow Marka Laga Soo Gudabo Ayaa Warar Kaloo Ka Madax Banaan Waxa Ay Shegayan In Dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalkaasi ay ku koobanyihiin Kaliya dhinacyadii ay dirirtu Ku dhexmartay Halkaasi.