Al-Shabaab Oo Xukun Ridda/Dil Ah Ku Fulisay Nin Ay Sheegeen In Uu Aflagaadeeyey (Nabi Muxamed صلي الله عليه وسلم)

0
1311

صلي الله عليه وسلمFagaara kuyaal magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta gelinkii dambe lagu dilay Nin La Sheegay In Uu  Fal Aflagaado Ah Kula Kacay  Nabi Muxamed صلي الله عليه وسلم.

Boqolaal qof ayaa isugusoo baxay fagaaro Loogu magac daray beerta shareecada degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose waxayna daawanayeen xukunka Riddada/Dilka Ah Oo lagu fulinayay Maxamuud Mursal Muuse oo ah Ninka la Sheegay in uu aflagaadeeyay Nabiga maqaamka sare leh ee

Muxamed صلي الله  عليه وسلم.

Xukunkani Dilka Ah Oo Xarakada Al-shabaab Ku Fuliyeen Ninkaani Oo Ay Ku Soo Eedeeyeen In Uu Aflagaadeeyey Nabi Muxamed صلي الله عليه وسلم Ayaa Imaanaya Xilli Dagaalyahanada Al-shabaab Si Dar Dar Leh U Wadaan Howl Galada Dilka Ah Oo Ah U Geesanayaan Ciddii Ka Hor Timaada Ama Radooda.